“Madaxweynuhu Degmadan {DACARTA} Iskamuu Magacaabine Wuxuu Gudanayey Waajib Dastuuri Ah Oo Uu Leeyahay, Waxaanu Fuliyey…” Wasiir Garas

Xaflad Soo Dhaweyn Iyo Mahad-Naq Isugu Jirta Oo Loo Sameeyey Degmada Cusub Ee Dacarta + Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay

xaflad loo sameeyay degmada dacarta

Dacarta(Hubaal) Xaflad isugu jirta soo dhaweyn iyo Mahad-naq ayaa lagu qabtay Xarunta degmada Cusub ee DACARTA ee Gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibadii loo sameeyey Xafladaasi oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiru-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Jamaal Cabdilaahi Muxumed, Guddoomiyaha Guddida TALLO-SAME Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi (ABUSITE),Cheif Caaqil Maxamed Aw Csmaan, Caaqil Axmed Ibraahim Bookh, Caaqil Cabdi Cumar, prof. Mustafe Maxamuud Cabdilaahi,Waxgarad, Aqoonyahan, Ganacsato, Siyaasiyiin, Culimaa’udiin iyo Marti-sharaf kale oo tiro baddan.

Sheekh Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf, Ganacsade Maxamed Indho-case, Ganacsade Axmed Aw Xuseen Furre iyo xubno kale oo isugu jiray Ganacsato iyo Waxgarad, oo xafladaasika hadlay ayaa waxay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahad-celiyeen magacaabista degmada cusub ee Dacarta, isla markaana waxay si isku mida carabka ugu dhufteen inay degmadu u baahan tahay in laga sameeyo adeegyadii horumarinta bulshada oo ay xukuumaddu qeybteeda ka qaadato.

Caaqil Cabdi Cumar oo ka mida Cuqaasha reer Somaliland ee Gobolka Maroodijeex ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne-Siilaanyo Magacaabista Degmadan Cusub ee Dacarta,waxaanu yidhi “Degmada Dacartu waa degmo la wada leeyahay, maaha degmo cid gaar ah la siiyey waa degmo magac iyo manfac-ba ay wada leeyihiin Bulshada degeni”

“Ogaado Hadhuubka Axmed Sheekh ISAXAAQ(Toll-jecle) uu hayo Soomaali oodhan ayaa wada leh, kolba nin ayaa kula kabanayaa nina ha u diidina nina ha ka xigsanina, waa hadhuub la idin-la leeyahay ….”Guddoomiyaha Guddida TALLO-SAME Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi (ABUSITE)

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland Jamaal Cabdilaahi Muxumed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Magacaabista degmadan cusub ee Dacarta, isaga oo tilmaamay in shacbiga ka soo jeeda Degmadani wax-qabad iyo xuquuq ka baddan degmo dawladda ka sugayaan, waxaanu intaasi ku daray inay tahay degmo taariikh fac-weyn leh, oo wakhti baddana la sugayey Degmonimadeeda.

degmada dacarta

Wasiir-u-dawlahada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas oo oo halkasi ka hadlay ayaa soo soo dhaweeyey magacaabista degmadan cusub ee DACARTA, isaga oo uga mahad-celiyay  madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya Af-ka beelaha wada degen degmadan cusub (DACARTA) ee aan Wasiirka u ahay, madaxweynaha iyo xukuumadda-ba waan uga mahad-celinayaa, inay degmadan magacaabaan. Madaxweynuhu degmadan iskamuu magacaabine wuxuu gudanayey waajib Dastuuri ah oo uu leeyahay, waxaanu uu fuliyey soo-jeedintii ay sameeyeen hay’addaha u igman qiimeynta degmooyinka”.

Wasiir Garas, ayaa ugu baaqay dadweynaha dega degmadan cusub ee Dacarta inay ka shaqeeyaan horumarinteeda iyo kobcinta wax soo saarteeda si ay ula jaan-qaado degmooyinka kale, isla markaana isu-bixiso dalkana wax ku soo kordhiso

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu degmadan cusub ee DACARTA magacaabay 20-kii Jully 2017-ka, waxaanay hoos iman doontaa Gobolka Maroodijeex

HALKAN HOOSE KA DAAWO XAFLADII OO DHAMEYSTIRAN