Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Somaliland Oo Saaka Dalka Ka Bilaabmay Iyo Imtixaanka Sanadkan oo Ka Duwan Kuwii  Sanadkii Hore

Imtixaankan Shahaadiga ah ayaa saaka oo bishu tahay 1.July.2017,waxa uu si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba dalka Somaliland,waxaana Imtixaankan u fadhiisanaya boqolaal iyo boqolaal arday ah oo ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.Bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland ayaa waxa goordhaw si rasmi ah ugu dhawaaqaya Gudiga Imtixaanaadka iyo masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Gabagabadiina Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada 8-Aad ee dugsiyada dhexe iyo 4-Aad ee dugsiyada sare isla markaana dalka saaka ka bilaabmay ayaa ka duwan imtixaanaadkii hore looga qaadi jirey Somaliland,waxaana sanadkan uu kaga duwan yahay Imtixaanka fasalka 8-Aad ayaa waxa laga qaadayaa casharadii ay kusoo dhigteen fasalkii 8-Aad oo kaliya halka markii hore imtixaanka lagaga qaadi jirey casharadii ay kusoo dhigteen fasaladii 5,6,7,8,halka ardayda fasalka 4-Aad ee dugsiga sarena laga qaadayo isla casharadii ay kusoo dhigteen fasalkii 4-Aad ee dugsiga sare oo kaliya,waxaana markii hore imtixaanka lagaga qaadi jirey fasalada 1,2,3 iyo 4-Aad ee dugsiga sare.