Maleeshiyaad Puntland Hubeysay Oo Qabsadey Madaarka Iyo Kaantaroolka Buuhoodle iyo Ciidamada Qaranka Oo Dhaq-dhaqaayo Bilaabey.

Warar laga helaayo magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in ciidamo Maleeshiiyaad ah oo ay soo abaabuleen maamulka Puntland ay xalay la wareegeen Madaarkii iyo Kaantaroolkii magaalada Buuhoodle.

Ciidamadan maleeshiiyadka ah ee naloo sheegay inay la wareegeen goobo kamid ah Buuhoodle ayaa waxa dabada ka riixaya maamulka Puntland oo kasoo horjeeda heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,waxaana sidoo kale naloo sheegay in ciidamadan maleeshiiyadka Cali Khaliif Galaydh iyo gudoomiyaha Baarlamaanka kooxda Khaatumo ugu hanjabeen inaanay soo gali Karin magaalada Buuhoodle waa sida ay noo sheegeen dad ku sugan Buuhoodle.

Sidoo kalena ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee Buuhoodle ayaa iyaguna heegan culus galay,waxaana ciidamadan oo heegan ugu jiraan difaacida xuduudaha dalkooda iyo ka sifaynta cid kaste oo kusoo xad gudubta xuduudaha Somaliland,waxaana ay ciidamada Qaranka Somaliland heegan culus galeen,iyada oo laga cabsi qabo in Buuhoodle uu dagaal ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamadan Maleeshiiyadka ah ee maamulka Puntland dabada ka riixayaan.

Sidoo kalena waxa naloo sheegay in xalay magaalada Buuhoodle uu shir ku dhex maray odayaal,cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda Buuhoodle iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Maleeshiiyadka ah ee abaabulan,waxaana lagaga wada hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Xaaladda magaalada Buuhoodle ayaa hadda ah mid aan waxba ka dhicin,balse dhaqdhaqaaq ciidan ayaa la dareemayaa iyada oo xalay jawiga Buuhoodle hal mar uu is badalay.