Hargeysa(GNN)Madaxwayneku-xigeenka ahna kusimaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay furitaanka kaadh qaadashada codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex .
Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo uu hadalo kooban ka jeediyay guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranku waxaa uu sheegay in maalinta sabtida ah ay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ay ka bilaabmi doonto qaadashada kaadhka codbixinta doorashada dhacaysa bisha Novembar ee sanadkan.
Sidoo kale waxa uu Madaxwayne ku-xigeenku reebay in shaqaalaha dawladu aanay u ololayn karin xisbiyada.