Walaac Xooggan Oo Laga Muujiyay Halis Ka Soo Fool Leh Sun Ku Jirta Koontiiner Yaalla Xerada Ayaxa Ee Magaalada Hargeysa.

Maxamed Cali Obsiiye oo ah ilaaliyaha xerada loo yaqaano xarunta Sunta Ayaxa ee magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujiyay todoba foosto oo suna ah oo ku jira koontiiner dhexyaala ceradaasi.

Xaruntan oo ku taala dhinaca koonfur galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa ahaanjirtay xaruntii la dagaalanka Ayaxa ee wadamada bariga qaarada Afrika.
Ilaaliyaha xeradan ayaa xuykuumadda Somaliland ugu baaqay inay aasaan todobadan foosto ee suntan ah oo uu sheegay inay 2004-tii ay wasaarada beeruhu koontiinerka halkan yaala ku xidhay kagana tagtay.
Waxaanu Maxamed Cali xusay in suntan ay ka saameyn badan tahay suntan mida Ayaxa loo adeegsado iyada oo isla meeshaasi ku daadsan tahay.
“Koontiinerkan waxaa ku jira todoba foosto oo suna waxaana goobtan la keenay sanadkii 2004-tii waana mid ka awood iyo ur badan ta loogu talo galay la dagaalanka Ayaxa, meel kale oo qaaradan Afrika laga dhigo waalaga waayay maayirkii hore caasimada Hargeysa Injineer Jiciir ayaa in badan lahaa hala aaso hase ahaate may cidhin”