Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadal Farmaajo Carqaladaynayo Heshiiska Somaliland Iyo Imaaraadka

Mr Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono Barlamaanka Somaliya iyo hay’addo kale oo aanu magacaabin.“Waxaan caddaynayaa sida ku cad distoorka waxa waajib nagu ah ilaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyada Somaliya,waxaan cadaynayaa in bilowga hawshan ay ka horeysay 8 Febarwari 2017,sidaas darteed dawladu waxay ku hawlan tahay sidii ay ku heli lahayd xog dhamaystiran oo arrintaasi la xidhiidha,markaan helno xogtaasna waxaan la wadaagi doonaa golaha shacabka iyo hay’addaha ay khuseyso”ayuu yidhi  Farmaajo.Hadalkan Farmaajo kasoo yeedhay ayaa waxa ka jawaabay xukuumadda Somaliland,waxaana ay ku tilmaamtay mid la iska yidhi.Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa digniin u direy madaxda Somaliya,waxaana uu wasiirka oo u waramay wargeyska Geeska Afrika  uu yidhi

“Halkani waa Somaliland ee madaxwaynaha Somaliya iyo madaxda Somaliya,waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arrimahayaga oo aanay ku mashquulin,madaxwayne walba oo Somaliya yimaadaa dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ku mashquulo arrimaha Somaliland ee waxaan leeyahay madaxwaynaha,baarlamaanka iyo madaxda Somaliya haku mashquulina oo wakhtiga yaanu idinkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin go’aana aydaan ka gaadhin Karin ee hawlahiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata aya waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray

“Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.