Siyaasi Cabdikarriim Axmed Mooge Oo Shaaciyay In Wakhti-xaadirkan Aannu Diyaar U Ahayn Inuu Ku Biiro Saddexda Xisbi Ee Haatan.

Cabdikarriim Axmed Mooge oo xilal Wasiir Ku-xigeen-nimmo kasoo qabtay Xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO,ayaa sheegay in ka dib markii uu la-tashiyo badan sammeeyay iyo qiimayn uu ku qancay in aannu xiliggan ku milmi Karin Xisbiyadda ku loolamaya saaxadda Siyaasadda Somaliland,balse uu taas badalkeeda ka shaqayn doono wadajirka iyo wax-wadalahaanshaha reer Somaliland.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOGA-waxaana uu u dhignaa sida tan; “In badan ayay ummaddaydu iga sugaysay in aan cadeeyo hadii aan ku biirayo sadexda xisbi qaran ee Somaliland mid’uun! Markaan u talo badsadey, ruugay een rogrogay talooyinkii iga yimid bulsho weynta reer Somaliland, tixgaliyayna inta aan mab’da wadaagta nahay talooyinkoodi waxaan go’aansadey:
In anan sadexda xisbi qaran midna ku biirin wakhtigan xaadirka ah, waxaan ahaan doona samo-talis dhex-dhexxaad ah oo ka shaqeeya isku-xidhka bulshada, midnimada iyo wadajirka ummada.
Waxaan si wadi doona Ololihii Cidhibtirka Qabyaalada si aan u gaadhsiiyo meel Ebyoon. Waxaan dadaal nafhuris ah u gali doona In aan shacabkayga gaar ahaan dhalinyarada u iftiimiyo arimaha ka daahan ee saamaynya taban ku leh mustaqbalkooda.
“ALLOW DAL WANAAGSAN, ALLOW DAD WANAAGSA IYO DAWLAD WANAAGSAN”
mog
Cabdikarriim Axmed Mooge