War Cusub-Daawo-Waftigii Uu Hogaaminayey Musharaxa Xisbiga Kulmiye Oo Kusoo Guryo Noqday Caasimada Iyo Soodhaweynta Shacabka Barriga Hargeisa Kagaga Hortagay.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax ee Bariga magaalada Hargeysa, waxana halkaas maanta ku qaabilay kumanaan katirsan shacabka degmooyinkan ku nool oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.

20840863_928702097267878_1203780834193412705_n 20841006_928702280601193_6471258953419114690_n 20841122_928702573934497_4824696000327297662_n 20841125_928702233934531_4930374263645784969_n 20842158_928701907267897_1421655431347113440_n 20842162_928702193934535_2238605906047679811_n 20842252_928702403934514_981781135201668623_n
Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay muddo laba Toddobaad ah ugu maqnaayeen gobollada bari ee dalka, ayaa lagu qaabilay waddada halbwlaha ee magaalada Hargeysa dhinaca bari uga baxda, waxana weftigu soo dhaweyn diirran kala kulmeen shacab xisbiga u heellan, kuwaas oo waddooyinka isugu soo baxay si ay u muujiyaan taageerada ay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa u muujiyaan.
Murrashax Muuse Biixi, ayaa badhtamaha xaafadda Axmed Macallin Haaruun kaga degay baabuurkiisa, waxana uu gacan qaaday kumanaan shacab ah oo halkaas isugu soo baxay taageerada KULMIYE, isaga waji farxad iyo dhoollacadayni ka muuqato ku muujiyey sida uu ula dhacsan yahay taageerada ay shacabka degmoooyinkani muujiyeen.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyaan siyaasiyiin weftigiisa kamid ah, madax-dhaqameed iyo wasiirro xukuumadda katirsan, ayaa dhex lugeeyey taageerayaal tiro badan oo dariiqa safaf dhaadheer kaga jirey, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE.

20882233_928703040601117_7641924711482201699_n 20882592_928702227267865_5852433226080499299_n 20882727_928702787267809_5560061803081809751_n 20882754_928702090601212_4679261843389461566_n 20883098_928702783934476_8510594401547250251_n 20914361_928701893934565_3502518013169627945_n 20914604_928702407267847_5413345295710659660_n 20915189_928702570601164_3080738044765308759_n 20915352_928703887267699_1992712258158839177_n 20915356_928702577267830_2429019324721440752_n 20953592_928702400601181_4071549284278627910_n 20953640_928701903934564_7275423658807437543_n 20953719_928702937267794_2394156580835929152_n 20992958_928702770601144_1578217270825195353_n
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku leeyahay degmooyinka Axmed Macallin Haauun iyo Gacan-libaax, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa usoo gelbiyey hoyga uu ka deggen yahay caasimadda Hargeysa, waxana halkaas si gaar ah ugu soo dhaweeyey masuuliyiin xisbiga katirsan, haween iyo xubno dhallinyaro ah oo caan ku ah taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.

Gabiley News Network