Daawo-Ardayda Dugsiyada Nuuradiin oo Ku Guuleystay Kaalmaha ugu Sareeya Natiijadii Imtixaanaadkii Dalka Somaliland oo Dhan..

Hargeisa(GNN):- Dugsiyada Nuuradiin Schools oo kamid Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Dalka Somaliland Oo Isugu Jira Hoose Dhexe iyo Dugsi Sare Ayaa Tayada Waxbarashada Dugsigaasi oo Si Heersare Ah Maamulka Dugsiyadaasi uga Hawlgaleen Qaybweyn Ka Qaadatay In Natiijada Imtixaanada Dugsiyada Sare iyo kuwo hoose dhexeba Uu Dugsigaasi Ka Mid Noqodo Dugsiyada ay kasoo Baxaan  Ardayda Ku Guuleysta Kaalmaha ugu Sareeya Dalka Somaliland.

Waxaana Imtixaankii Sanadkan Dugsiyada Nuuradiin Uu Ku Guuleystay In Ardaygii ugu Sareeyey Imtxinaaka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare Uu kasoo Baxo Dugsiga Nuuradiin Secondry Schools.

fffffddd

Hadaba Markii maanta Galinkii hore Ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaanaadka Dalka Somaliland Guud Ahaan Ayaa Galinkii Danbe ee maanta Waxaa Kulan Isugu yimid Maamulka Sare ee Dugsiyada Nuuradiin iyo Waalidiinta Ardayda Dhigata Dugsiyadaasi. Waxaana Halkaasi Kala Hadlay Ardayda iyo Waalidiinta Mulkiilaha dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed Waxaana Uu maamulaha Guud ee dugsiyada Nuuradiin hanbalyo u Diray Dhammaanba Ardaydii Gashay Imtixaanaadkii Shahaadiga Ahaa ee Dalka islamarkaana Ku guulaystay Waxaana uu Si Gaara Hanbalyo Ugu Diray Ardayda Dugsiyada Nuuradiin ee kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanaadkii Dalka,Waxaana Uu Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji mahad Ka Waramay Una Hanbalyeey In Ardaygii ugu Sareeyey Dhammaanba Dugsiyada Sare ee Dalka Uu Kamid Ahaa Ardayda Ka Baxday Nuuradiin Sidoo kalena in tobanka arday ee ugu sareysa dalka ay afar kamid ahi yihiin ardayda ka baxday dugsigaasi. Halkan ka Daawo  Faahfaahinta Warkaasi iyo Nuxurka Khudbadihii Maamulka Sare Ee Dugsiyada Nuuradiin Schools iyo Ardaydii Kaalmaha Ka Galay Imtixaanaadkii Dalka oo Dhan.