Ergadii Odayaasha Xisbiga Waddani oo Faro Madhnaan Kala Noday Kulankii Dhexmaray Gudida Odayada Beesha Haashim Weyne ee Arab.

Hargeisa(GNN):- Xisbiga WADANI oo kulano isugu jira xidhiidh iyo dardar galinta Arrimaha Siyaasada Xisbiga ah ka dhex bilaabay Degmada Ahmed dhagax usbuucii dhamaaday ayaa waxa kamid ahaa kulan ay layeeshay  Gudida Odayaasha Beesha Haashin weyne ee Arab kulankaas oo ka dhacay Guriga Odayaasha Beesha Haashin ee ku yaala Axmed Dhagax .
Kulankaas oo Daba socday kulamo hore oo gudoomiyaha Xisbiga mucaaridkaa ee WADANI uu sitoosa ugula yeeshay mar uu bookhasho ku tagay fadhiga guriga Odayaasha  Beesha Haashin , ergadii Odayaasha Xisbiga Wadani ee ka qayb gashay kulankan ayaa kala  kulmay dood adag oo kaga timid Odayaasha Gudida Beesha Haashin weyne qodobada Doodaasi waxay u dhigneyd  sidan .
1. Inay Beesha Haashin weye ee Arab ka mid tahay aas’aasayaashii xisbul Xaakimka Kulmiye
2. Inay beeshu  leedahay wakhti xaadirkan  xubnaha  iyo xilalka  ugu culus ee Dawlada iyo Xisbul xaakimka
3. Inay beeshu si buuxda u taageersan tahay horumarka iyo guulaha uu soo hooyey dawlada iyo xisbul xaakimka Kulmiye mudadii ay hogaanka  dawladnimo u hayeen wadanka .
4. Waxay Beesha Haashin weyne mawqif midaysan la wadaagtaa beelaha Arab intooda kale ee taageerada la barbar taagan  xisbul xaakimka Kulmiye iyo musharaxiisa Madaxweynaha Mudane  Muuse Biixi Cabdi
Dooda qodabadaasi  waxay soo afjareen  Codsigii taageero doona ka ahaa ee Eragada Odayaasha xisbiga wadani sideen .

Waxaana Kadib Markii Ay Arkeen Qodobada Ay Hordhigeen Odayaashan Beesha Haashim Ergaddii ka Socotay  Xisbiga Waddani Una Cadeeyeen In Xisbiga Kulmiye Intaas oo masuul iyo Jagooyin Muhiima ka Hayaan Xisbiga Waddanina Aanu siin Karin waxay ergadaasi si waji gabax ah kala noqotay faro madhnaan doodaasi  Adag ee la hor dhigan oo ay tahli kariwaayeen wax ay ku qanciyaan.

GABILEY-LOGO-OK