Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke Oo Si Kulul Uga Hadley Arinta Qalbi Dhagax.

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Sharmaare oo wareysi gaar ah siiyay barnaamijka Martida Makrafoonka VOA ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

RW Sharmaare ayaa dhanka kale khalad weyn ku tilmaamay in Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo uu sheegay inuu yahay muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Ethiopia. Weriyaheena London Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa wareysi gaar ah khadka taleefonka kula yeeshay RW hore Sharmaarke.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan