Xoghayaha Qaramada Midoobey Oo Sheegay In Dib U Dhaca Doorashadu Nusqaamisay Kalsoonidii Lagu Qabay Somaliland,Kana Hadlay Hawlaha Kaadh Qaybinta

Xoghayaha Qaramada Midoobey Md Antonio Guterres ayaa dawlada Somaliland ugu baaqay inay damaanad qaado inaan mar kale la arag dib u dhac ku yimid doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo todobaadkan warbixintiisa saddex biloodlaha ah ee Somaliland iyo Somaliya u gudbiyey golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa qaybta uu kaga hadlayo Somaliland waxa uu ku sheegay in dib u dhacyada doorashooyinku nusqaamiyeen sumcadii iyo Kalsoonidii Somaliland ee geedi socodka dimuqraadiyada,Waxase uu soo dhaweeyey diyaar garowga hadda ee loogu jiro qabashada doorashada.

“Waxaan soo dhawaynayaa u diyaar garowga ay Somaliland ugu jirto qabashada Doorashooyinka Madaxtooyada ee aadka u muddo dhaafay ee qorshaysan 13 November 2017,dib u dhacyada soo noq-noqday ee qabashada doorashadu waxay abuureen walaacyo culus,waxaanay nusqaamiyeen Kalsoonidii lagu qabay geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata lana hadlaya dawlada Somaliland ayaa waxa uu yidhi .

“Waxaan ugu baaqayaa Somaliland inay damaanad qaadaan inaanay dib u dhacyo dheeraad ahi ku imaan qabashada doorashada Madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa kale oo uu warbixintiisa kaga hadlay hawlaha guddiga Doorashadu ay gobolada dalka kaga qaybiyeen Kaadhadhka codbixinta doorashada,waxaana uu xusay hawlaha kaadh qaybinta ee gobolada Somaliland.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Md Antonio Guterres wuxuu soo hadal qaaday cabashada uu Farmaajo ka cawday heshiiska Somaliland iyo Dp World ee dekeda magaalada Berbera.

“In kaste oo madaxwayne Farmaajo si rasmi ah uga cawday heshiiska dekeda Berbera ee Somaliland iyo shirkada Imaaraadka Carabta fadhigeedu yahay,hadana bishii April wafti sare oo ka socda Imaaraadka Carabta ayaa ka qayb galay daah furkii 11 May”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa kale oo uu warbixintiisa kaga hadlay wada hadalada u socda dawlada Somaliland iyo kooxda khaatumo iyo sidoo kale magacaabista Marwo Dr’s Adna Aadan ee uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay inay noqoto Ergayga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.