War Deg-Deg-Fanaanada Yurub Geenyo Oo Hargeysa Soo Gaadhay Iyo Masuuliyiin Soo Dhawaysay+Sawiro –

Hargeisa(GNN):-Fanaanada caanka ah ee Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo) ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Fanaanada Yurub geenyo ayaa mudo sanad ku dhaw ku maqnayd dalka soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhigtay bandhig faneedyo kala duwan.

Fanaanada Yurub Geenyo oo maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku soo dhaweeyey xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac Nac), Siyaasi Jamaal Caydiid Ibraahin, Nuura Xuseen Dhanlaax iyo xubno kale.

Sidoo kale gudoomiyaha kooxda fanka ee xidigahha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul

ayaa ka mid ahaa dadkii fanaanada Yurub Geenyo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Dhinaca Kale fanaanada Yurub Geenyo oo qoraal ku baahisay bogeeda Facebook ayaa u mahad celisay dadkii soo dhaweeyey iyo guud ahaan shacabka somaliland.