Xisbiga Waddani Oo Deeq Xoolo Ah Gaadhsiiyey Cusbitaalka TB-da, Cisbitaalka Guud Iyo Xarunta Agoomaha

Gabiley-Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo Socdaal ku tagay Gabiley ayaa deeq Xoolo nool ah gaadhsiiyey Cusbitaalka TB-da, Cusbitaalka Guud Iyo Xarunta Agoomaha ee Gobolka Gabiley.
Masuuliyiintan oo u badalay maalintii ololaha ee xisbiga Waddani uu u lahaa inay dadkooda gaadhsiiyaan Sadaqo iyo Samafal ayaa waxa horkacayey Madaxa Ololaha ee xisbiga Waddani, Xamse Cabdilaahi Khayre, Marwo Faadumo Siciid, Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis, Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Waddani Muuse Cabdilaahi Nuur, Ambassador Cali Aadan Cawaale iyo masuuliyiin kale oo farabadan ayaa gaadhsiiyey labadaa xarumood 25 Neef oo Adhi Ah.

6-2

1-3

4-2

3-2

2-2

7-2

9-2

8-2

Ugu horayna Ambassador Cali Aadan Cawaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xaruntan TB-da oo ay ugu talo galeen qayb ka mid ah xoolahan uu ka gudoomi doono Maxamed Ismaaciil oo ka wakiil ah xaruntan.
Sidoo kale Marwo Faadumo siciid oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa dadka qaba Xanuunka TB-da ugu ducaysay in illaahay ka dulqaado Xanuunka, waxaanay tidhi Marwo Faadumo Siciid “Halkan maanta hadal inoogama furna inaynu dadkaa qaba Xanuunka TB-da in illaahay ka dulqaado inaynu u ducayno iyo in aynu ku wareejino xoolahaa.” Ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid.
Dhinaca kale Madaxa ololaha xisbiga Waddani Xamse Khayre ayaa isaguna gudoonsiiyey xoolo xarunta Agoomaha ee magaalada Gabiley, kaas oo sheegay in maalintii ololaha ee xisbiga Waddani uu u lahaa inuu ololeeyo ay u badaleen Samafal iyo in ay waxsiyaan dadkooda jilicda san, waxaanu yidhi Mr Khayre “Maanta oo xisbiga Waddani uu u lahaa ololaha, waxaanu u badalnay samafal in aanu bixino, anaga oo joogna gobolka Gabiley gaar ahaan Xarunta Agoomaha ee Gabiley, Anagoo soo marnay Cusbitaalka Dhimirka iyo Cisbitaalka TB-da oo iyadana aanu samafal ka geysanay, waxaanu halkan Adhi ku wareejinaynaa xarunta Agoomaha ee degmada Gabiley, Adhigaas oo uu naga gudoomi doono maamule ku xigeenka Xarunta Agoomaha Mudane Axmed Maxamed Daahir.” Ayuu yidhi Madaxa Ololaha ee xisbiga Waddani Xamse Cabdilaahi Khayre.