DAAWO SAWIRADA Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ka Socda Dalka Turkiga

Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ka Socda Dalka Turkiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Image may contain: 2 people, people standing and suitKulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and suit

Ugu danbayn Waxa uu safiir ku xigeenku balan qaaday in dhinacooda ay arrimahaasi xil iska saari doonaan.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting