Daawo-Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqbaliyada ku ansixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, kaasoo dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Hay’adaas.

Fadhigan Golaha oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, kana soo xaadireen 51 Xildhibaan, ayaa waxa ansixinta Guddoomiyaha Hanti-dhowrka u aqbalay 49 Mudane, cid diiday ma jirto Guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay.

Dhanka kale, ka hor intaan loo codeyn ansixinta Hanti-dhowraha waxa mudaneyaasha u akhriyey  taariikh nololeedka, aqoontiisa iyo Khibradiisa waayo-aragnimo, Xoghaye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Jamaal Jaamc.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaal:

Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, ayaa hore u soo noqday Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Maareeyaha Xafiiska Dawladda u qaabilsan xidhiidhka Hay’adda Qaramada midoobay ee WFP.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa 4-tii Bishii Janaury u magacaabay xilkan maanta Golaha Wakiilladu u ansixiyeen ee Hanti-dhowraha guud.