Golaha Wakiilada Somaliland Oo Asxiyey Miisaaniyad Sanadeedka Qaranka Ee 2018.

Hargeisa(GNN):-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyad sannadeedka qaranka ee xukuumadda dhexe iyo Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda  ee sannadka 218-ka, siday werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

Fadhigan oo uu guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax Waxa kaloo golaha wakiillada Somaliland ansixiyeen Hanti-dhawraha Guud ee qaranka Md. Axmed  Yuusuf Dirir oo hortagay.

Markii goluhu u codaynayey hanti-dhawraha guud ee qaranka waxa golaha ku sugnaa 50 Xildhibaan, waxa ogolaaday Hanti-dhawraha Guud 49 Xildhibaan, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin guddoomiyuhuna muu codaynin.

Dhinaca kalena waxa golaha wakiilladu meelmariyeen miisaaniyad sannadeedka 2018-ka waxaana hoolka ku sugnaa markii miisaaniyada loo codaynayey   51 Xildhibaan, waxaana ogolaaday   47 Xildhibaan waxa diiday laba Mudane, halka 1 xildhibaan-na uu ka aamusay, Guddoomiyuhuna aanu codaynin sidaas ayaanay ku ansaxday miisaaniyad sannadeedka Somaliland ee sannadka 2018ka oo xadigeedu dhan yahay  (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling oo u dhiganta (Laba boqol iyo Kow iyo Sedeetan Malyuun oo Dollar).

Siday ku warantay wakaallada SOLNA, waa miisaaniyadii ugu badnayd ee Somaliland yeelato 26kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaana 34.5% (Boqolkiiba Afar iyo Soddon iyo badh) kamid ah miisaaniyaddan loo qoondeeyey mashaariic horumarineed, iyada oo Ciidamada qalabka sida iyo macallimiinta mushaharkooda kor loo qaaday, isla markaana la kordhiyey raashinka maxaabiista jeelasha dalka ku jira.

Sidoo kale miisaaniyaddani ayaa waxa laga been sheegay adeegyada ay  diiradda saaraysaa iyo mashaariicda humarinta adeegga aas-aasiga ah ee Bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha, iyada oo aan ku salaysanayn  wax soo saarka Beeraha iyo Kalluumaysiga,