Daawo-Xoghaye Uurcade Oo Afka Furtay Gudoomiye Cirrona Ku Eedeeyey Inuu Gacan Saar la Leeyahay Maamulka Taagta Daran Ee Muqdisho Ka Dhisan.

Hargeisa(GNN):-Kadib Dhawaan markii uu Khilaaf Culusi ka Dhex Qarxay Xisbiga Waddani Ayaa Waxaa Warbaahinta hadalo Weerar iyo Weerar Celis ah hawada Isku mariyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Xoghayihii Guud ee Xisbigaasi Maxamed C.laahi uurcade. Waxaana Eedahaaasi Sababeen In maalintii Shalay uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iskugu yeedhay Qaar kamida Xubanaha golaha dhexe ee Xisbigaasi Kulankaasi ay iskugu yimaadeen Shalay Ayaa lagu Sheegay In Xilkii Xoghayenimo lagaga Qaaday Xoghayihii Xisbigaasi Mudane Uurcade. hadaba Hadal Jawaab Celin Ah oo uu maanta U jeediyey Warbaahinta Xoghaye Uurcade Ayaa Waxaa Uu kagaga Waramay Arrimo Badan oo bulshada Ka Qarsoonaa Waxaana uu Sidoo kale Gudoomiye Cirro ku Eedeeyey inuu Gacan Saar la Leeyahay maamulka Taagta Daran Ee ka Dhisan magaalada Muqdisho. Sidoo kale Xoghaye Uurcade Ayaa Sheegay inuu Gudoomiye Cirro hoosta Ku Wato Wiil uu adeer dhow u yahay oo Uu Rabo in Uu Noqdo Xogahayaha Xisbiga Waddani, Walow Wararkaasi kala Duwan Ay is Dhaafsadeen Haddana Wali Xoghaye Uurcade Ayaa Ku Doodaya Inuu Wali yahay Xogahayaha Sharciga Ah ee lagu Soo Doortay Shirweyne islamarkaana Xilka lagaga Qaadi Karo Kaliya Shirweyne.
Halkan Hoose Ka Daawo Eedaha Uu Xoghaye UUrcade U Jeediyey Gudoomiye Cirro.