Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukun Xadhig Dheera Ku Riday Niciimo Abwaan Qorane Oo Hore Muqdisho Uga Jeedisay Ereyo Qaranimada Somaliland Lidi Ku Ah.

 Hargeisa(GNN);-Maxkmada Gobolka Maroodijeex Ayaa Maanta U Fadhiisatay Gabogabada Dhegaysigii Dacwada Loo haystay Gabadh lagu Magacaabo Niciima Abwaan qorane Oo Reer Somaliland Ah islamarkaana Dhawaan Safar Ay ku Tagtay magaalada Muqdisho, Iyadoo  khudbad Ay ka Jeedisay Madal Xafladi ka socotay Sheegtay in mawqifka ay aaminsan tahay uu yahay  Soomaaliweyn. Kana Soo horjeedo Dawlada Somaliland.iyo ereyo kale oo Deelqaaf Ku Ah Qaranimada iyo Jirataanka Somaliland.

Dhegaysiga Dacwadan kadib markii Ay Xeer ilaalinta Gobolku Kusoo oogeen Ayaa Ay maxkamadu Ku Wayday Mid Kamida Laba Dacwadood Oo lagu Soo Eedeeyey.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.