Ganacsatada Wajaale oo cabasho ka muujiyey Cashuur lagu soo rogay

Reer Wajaale oo u markhaati furay Ramaax…Daawo

Wajaale(GNN)-Dadwaynaha kala duwan ee ku ganacsada magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ee gobolka gabiley ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cashuurro cusub oo ay qaataan xubno isku magacaabay gudida magaalada wajaale taasi oo baalmarsan dhamaan qawaaniinta Somaliland iyo cashuurta ay qaado dawladu.

Sidoo kale Dadwaynahan ayaa fariin culus u diray Madaxwaynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi oo ay ugu baaqeen in uu arintaasi si deg deg ah wax uga qabto.

Dhinaca kale, Dadweynaha oo Warbaahinta la hadlay waxay ka marag fureen Dhaliilihii uu Badhasaabkii hore ee Gobolku soo jeediyey Axadii shalay markuu xilka wareejinayey.

Halkan ka Daawo Warbixin: