Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Jawaari oo is casiley?.

Subaxnimadii hore ee Isniinta waxaa soo baxay warar sheegaya in uu is casiley Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Maxamed Cismaan Jawaari, warka ayaa ugu horeyntiisu ka soo baxdey Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo aan ka mid ahayn Xildhibaanada.

Habeenkii xalay wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dalka Maxamed Farmaajo uu kulan dheer la qaatey Jawaari kaas oo saakey subaxnimadii hore soo gaarey. Warbaahinta oo xdhiidh la sameysey  xafiiska Jawaari ayaa loo xaqiijiyey in ay jirto is casilaada Afhayeenka Baarlamaanka, kulankii maanta ay isugu imaan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la baajiyey Xildhibaanaduna waxay isu imaan doonaan maalinta Arbacada ah.

 

 Mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka baarlamaanka ayaa si weyn u kala qaybiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xildhibaanada Xuuumadda mucaaradka ku ah ayaa Jawaari garab weyn siiyey, taas oo sababtey in iscasilaadiisu ay si weyn u daahdo murankana cirka ku shareerto.