SYRIA Ciidanka Assad oo markale shacabka u adeegsaday Sunta Kimikalka

Waxaa isa soo tareysa cambaareynta Beesha Caalamka ee ku aadan maamulka Bashar Al Assad oo ciidamadiisa la sheegay inay hubka kimikalka u adeegsadeen deegaanka Douma oo kamid ah dhulka Bariga-Quta ay ku sugan yihiin xoogaga mucaaridka ee ka dagaalamaya duleedka caasimada Dimishiq.

Ciidamada Bashar Al Assad oo ku hareeraysan deegaankaasi ayaa la sheegay inay ku duqeeyeen xaafadaha Douma hubka caalamka ka mamnuuca ah ee kimikalka Sabtidii lasoo dhaafay, tirada shacabka ku dhintay weerarkan ayaa la sheegay inay ka badan tahay 85 qof.

Dowlada Siiriya ayaa horey marar badan u adeegsaday hubka dunnida ka caagan ee kimikalka walow aysan jirin tilaabooyin adag oo ay Beesha Caalamka qaadeen maamulkaasi oo taageero ka helaya Dowlada Ruushka oo codka VETO ku leh golaha Amaanka.

Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo Hogaamiyaha France Macron ayaa cambaareeyey weerarkan ugu danbeeyey, labadaasi dal ayaa horey u sheegay inay tilaabooyin ka qaadi doonaan xukuumada Siiriya hadii ay adeegsato hubkan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah kulan deg deg ah ka yeelan doona weerarkan ka dhacay deegaanka Douma, balse Ruushka oo golahaasi awood kuleh ayaa horey u horjoogsaday qaraaryo la doonayey in laga soo saaro dowlada Siiriya oo kamid ah xulafadooda.