Kadib Markii Aan arkay Maamul Xumo Isgarabysi Qaraabo Kiil Iyo Eex Mushaar Lunsi Waan Iska Casiley Shaqadii Dawalda Hoose Ee Degmada Gabiley (Mahad Mahamud Cumer)(Awliyo)

Gabiley(GNN)Qaarka ka mida shaqaala weynaha dawlada hoose ee degmada gabiley ayaa qoraal ay u soo gudbiyeen warbaahinta Gabiley.NET  waxa ay ku sheegeen in ay gabi ahaanba iskaga tageen shaqadii dawlada hoose ay ka hayeen.

Halkan Ka Akhri Qoraalkaasi Iyo Sida Uu U Dhignaa:-

;-BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

MAGACAABISTAYDII & MAAGISTAYDII

Aniga oo ah MAHAD MAHAMOUD OMAR ( AWLIYO) 
waxaan halkan ka cadaynayaa inaan joojiyey guud 
Ahaanba shaqadii aan ka hayey dawlada hoose ee gabiley 
Ka dib markii aan arkay kana dheehday. 
1: MAAMUL XUMO 
2: IS-GARABAYSI ( FAMILY POWER) 
3:NIDAAMKA BEELAHA OO DHEELI TIRAN ( 4.5) OO AH ( 4 )
MACNAHA (0 .5) OO MEESHA LAGA SAARAY. 
4: QARAABO KIIL IYO EEX MAALINABA MAALINTA KA 
DANBAYSA SII XOOGAYSANAYSA .
5: MUSHAHARKA SHAQAALAHA OO SI BADHEEDHA LOO 
LUNSADAY, LAGUNA TAGRI FALAY .
6: IN SHAQAALAHA QAYB KA MID AH LAGU WARGALIYEY 
IN LAGA ERYEY SHAQDOODII MUSHAHARKOODIINA 
LAGA JOOJIYEY, LKN AY SHAQAALAHAA LA ERYEY 
AY CODSADEEN IN LA SIIYO WARQADA ERIGA 
TAASINAA AY DIIDEEN MAAMYLKA MEESHA JOOGA 
KUNA DHICI WAAYEEN INAY WARQADAA SIIYAAN. 
Intaa iyo in kabadan markii aan eegay, una dul qaadan – 
wayey dhibaatoyinkaa aynu soo sheegnay , waxaan anigoo 
Xiskayga iyo maankayga qaba aan go’aan ku gaadhay 
Inaan gabi ahaanba joojiyey shaqadii aan ka hayey 
D.H.G.

 

 

 

 

WABILAAHI TAWFIIQ .

 

GABILEYNEWSNETWORK(GNN)

GABILEY OFFICE