Somaliland-Shidaal Xabagaysan Oo Dalka Lasoo Galiyey+Geerashyada Magaalada Hargeisa Oo la Ciirciiraya Cilad Saarista Gaadiidkii Kala Duwanaa.

Hargeisa(GNN):-Somaliland Gaadiidka Kala Duwan ee Bulshadu Adeegsato Ayaa Waxaa Soo Foodsaartay Mushkilad La Soo daristay Gaadiidka Oo Sababtay In Ay Wada Fadhiistaan Baabuurtii kala Duwaneyd.
Badiba Gaadiidka Yaryar ee Kala Duwan Waxaa Badankooda la Dhigay Geerashyada Kala Duwan ee Magaalada hargeisa.
Xukuumada Somaliland Ayaa Muddo ka hor Sheegtay Inay Keeneen Qalab Casriya Oo lagu Hubinayo Tayada Shidaalka Dalka Soo Gala, Balse Taasi Ma Noqon mid Lagaga Badbaado Shidaalka Tayada Xun ee Bulshada laga Gadayo.
Inkasta Oo Aanu jirin Wax Hadal Oo Ku Saabsan Arrintaasi oo kasoo baxay Xukuumada Somaliland iyo haayadaha U Qaabilsan Arrimaha baadhista Shidaalka, Haddana Waxa Waxaa Jira War Ay Soosaartay Shirkad Lagu magacaabo BERBERA OIL GROUP oo Dhawaan Gacanta Loo Galiyey Inay maamusho haamaha shidaalka Dalka Masuulka ugu Sareeya waxaa Uu Sheegay Islamarkaana Qiray In Dalka Lasoo galiyey Shidaal Ay Ku Jiraan maadooyin Kiimaikaad oo aan hore Loogu ogeyn, Waxaana Uu Sheegay In Shidaalka Nooca Loo Yaqaano Petrolka Ay Jirto Arrintaasi, Waxaana Uu Sheegay in Ay bulshada Arrintaasi ka Raaligalinayaan.
Dhibaatadan Soo Waajahday Gaadiidleyda Shacabka Ah ee Ciladaha Xuni kasoo gaadheen Shidaalkan Lagu Daray Maadooyinka ee Dalka Soo galay Oo Ay la Baaxaadagayaan Badiba geerashyada Magaalada Hargeisa Ilaa Hadda Ma Jirto Baadhis Ay Xukuumada Somaliland Ku Sameysay Shirkada Keentay Shidaalkaa Xun dalka.


Waxaana Maalintii Shalay Gudida Golaha Wakiilada U Qaabilsan Baadhista Iyo Dabagalka Hantida Qaranku Sheegeen in Shirkadaha Kootada Loogu Xidhay Inay Dalka Keenaan Shidaalka oo Ay ka Mid Tahay Shirkada Som Oil uu Sheerka ugu badan Ku leeyahay Raysal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Halkan Ka Daawo-Maamulka Shirkada Berbera Oil Group Oo Ka Hadlay Arrintan Shidaalka Xun ee Dalka Soo galay.