WARARKA




TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka haweenka xisbiga Kulmiye,ย qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariisteeย gudoomiyihii garabka haweenka xisbiga Kulmiye ee degmada Maxamed Mooge,ย Marxuumad Khadra Shukri Cilmiย ย oo caawa oo ay taariikhdu tahay 15/04/2018 ku geeriyooday, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka haweenka Kulmiye, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbigaย  Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

ย ย Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.