Israa’iil Oo Sheegtay In Dawlada Iiraan Ay Qarinayso Hub Nuclear- Ah Oo Ay Haysato

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Iran ku eedeeyey inay haysato xarun hubka nukliyeerka lagu keediyo oo ku taalla magaalada Tehran.

“Iran kama aysan tanaasulin hadafkeeda ah inay horumariso hub nukliyeer” ayuu Netanyahu u sheegay kulanka Golaha Guud ee QM, isaga oo gacanta ku haya sawirrada iyo qariiradda dhisme ku yaalla degmada Turquzabad ee magaalada Tehran.

Netanyahu ayaa sheegay in Iran ay dhismahaas u adeegsato “inay ku keediso qalab iyo walxo tiro badan oo loogu talo-galay barnaamijkeeda Nukliyeerka”

Waxa uu sheegay in hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomiga ee IAEA iyo qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka ku war-geliyey dhismaha, wuxuuna dalbaday in

AEA ay baaritaan deg deg ah ku sameyso goobtan.Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa ku gacan seeray sheegashada Netanyahu, wuxuuna sheegay in Iran aysan haysan barnaamij ay ku horumarineyso hub Nukliyeer.

“Ujeedada kaliya ee arrintan waa in la qariyo xaqiiqda ah in Israel ay tahay halista ugu weyn ee nabadda gobolka” ayuu yiri Zarif.

 

 

Source:-VOA