Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Jawaabay Eedaymo Culus Oo Madaxeyne Farmaajo U Jeediyey Mucaaridka

Muqdisho(GNN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa eedaymo culus u jeediyey siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ka soo horjeeda dawlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay soo bateen wax uu ku sheegay siyaasiyin xanaaqsan kuwaas oo xalaaleeyey wax badan oo ay diinta islaamku diidan tahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiyaha ururka ayaa ka dareen celiyey eedaymaha madaxweyne farmaajo u jeediyey mucaaridka.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa waxa uu soo bandhigay jawaabta uu ka bixiyey hadalka madaxweyne Farmaajo waxaanu yidhi “Halbeega qiimaynta Khudbada iyo hadal jeedinta hogaamiye dal colaad ka soo baxaya oo baahi wayn u qaba in dadkiisa laisku dumo dawladiisana dib loo dhiso,

waa kartida uu u leeyahay in uu shacabkiisa la wadaago sida uga haboon ee caqabadaha ku horgudban looga gudbi karo, halista ku xeeran looga baxsan karo, fursadaha horyaalana looga faa’iidaysan karo iyo awood iyo fasaaxad hadal jeedin oo uu dadkiisa ku qancin karo, ku soo jiidan karo, kuna dhiiragelin karo ee maaha inta uu aflagaado miisi karo ama dhiilo kicin karo.”

GABILEY.NET