Midawga Yurub Oo Soo Bandhigay Xadiga Lacag Uu Ku Taageerayo Soomaaliya Iyo Ujeedooyinka Laga Leeyahay

Muqdisho(GNN):-Midawga yurub ayaa shaaciyey xadiga lacag ay ku taageereen miisaaniyada soomaaliya.War saxaafadeed ka soo baxay midawga yurub ayaa lagu sheegay in lacag gaadhaysa €100 million taas oo qayb ka noqon doonta miisaaniyada soomaaliya ee sanadaha 2018 ilaa 2021.

Sidoo kale midawga yurub ayaa sheegay in lacagta lagu taageerayo miisaaniyada soomaaliya  ay soo marin doonaan nidaamka maaliyadeed ee soomaaliya.

Midawga yurub ayaa sheegay in fulinta lacagta la siinayo dawlada federaalka ah ee soomaaliya la bilaabi doono bisha October ka dib marka uu dhaco heshiis ku saabsan ilaalinta lacagtaasi, waxaana midawga yurub ku xusay war saxaafadeedka inay rajaynayaan in lacagtaasi

ay taageero weyn u noqoto dawlada federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Dhinaca kale midawga yurub ayaa sheegay inay fiican tahay in lacagtan laga ilaaliyo khataraha loona xaqiijiyo hanti dhawrka iyada oo la raacayo tilmaamayaasha khuseeya dib u habaynta lagu wado nidaamka maaraynta maaliyada dadweynaha, isku xukunka sharciga, kaluumaysiga, waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

Midawga yurub ayaa sheegay in ujeedada uu ka leeyahay taageeradan dhaqaale ee uu siinayo soomaaliya ay tahay in la horu mariyo nidaamka federaalka ee soomaaliya iyada oo la kordhinayo isdhaafsiga maaliyada ee u dhaxaysa dawlad goboleedyada iyo dawlada federaalka ah.

Sidoo kale midawga yurub ayaa sheegay inay lacagtan ka rajaynayaan inay kor u qaado qandaraasyada u dhaxeeya dawlada iyo bulshada soomaaliya iyada oo si tartiib ah kor loogu qaadayo doorka ay dawladu ku leedahay bixinta adeegyada dadweynaha.

GABILEY.NET