Hargeisa(GNN):-Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa is hor taagay isku shaandhayn uu maareeyaha hayโadda waddooyinku ku sameeyey agaasime waaxeedyada hayโaddaasi.
Qoraal uu wasiirka gaadiidku u diray maareeyaha hayโadda wadooyinka oo luuqad adag ku qornaa ayuu ku sheegay inaanay waxba ka jirin isku shaandhaynta uu sameeyey maareeyaha hayโadda waddooyinku.
Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa warqada xafiiskiisa ka soo baxday waxa uu si amar ku taaglayn iyo awood sheegasho ah ugu hanjabayaa maareeyaha hayโadda horu marinta waddooyinka somaliland Cismaan Sheekh Cabdi isaga oo adeegsaday eraydan โAwood sharci iyo mid maamul toona uma lihid inaad magacaabis, xilal cusub, abuuris waaxo cusub
iyo xil ka qaadis ku samaysid agaasime waaxeedyada wakaalada horu marinta waddooyinka.
Waxaanan goโaamiyey inaan buriyo waraaqda sumadeedu tahay Ref:RDA/MG/246/2018, waxaan ku farayaa inaad u hogaansanaato xeerarka iyo shuruucda maamul ee dalka, haddii kale waxaan kaa qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo aad ku mudan karto in shaqada lagaa joojiyo maadaama aad caadaysatay khilaaf iyo sharci jabin joogto ah.โ
Qaabka uu wasiir Cabdilaahi Abokor ugu hanjabayo maareeyaha hayโadda wadooyinka somaliland ayaa laga dhadhansan karaa in wasiirku u mareexaanaynayo maareeyaha, isla markaana la dareemayo inuu awood dheeraad ah haysto maadaama oo uu shaqo joojin ku hanjabayo.
Maareeyaha hayโadda wadooyinka ayaan dhiniciisa wax jawaab ah ka bixin warqada amarka ah ee uga timid wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, iyada oo warqadana si toos ah loogu socodsiiyey masuuliyiinta cusub ee uu magacaabay maareeyuhu kuwaas oo la farayo inaanay waxba ka soo qaadin magacaabista maareeyaha hayโadda waddooyinka.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network