Daawo Wefti Ay Hogaaminayso Wasiirka Shaqo Galinta JSL Oo Kulan La Qaatay Gudomiyaha Hayada Shaqaalaha Ethopia

Addisabab(GNN):-Wafti balaadhan oo ka kooban; Golaha Wasiirradda, Golaha Wakiilada, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha , Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda iyo Farsama-yaqaano ka socda Wasaarada iyo Hay’adaha Dawladda oo Mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa Caasimada Dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa kulamo balaadhan la qaatay Wakaaladaha kala maamula Shaqaalaha Hawl-gabka ah Dawladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah ee dalka Ethiopia ayaa u soo dhamaaday si habsami iyo waayo-aragnimo wadaag leh.

Kulankan oo muhiimadiisu ahayd waayo-aragnimo wadaag iyo hubinta hannaanka dawlada Ethiopia u maamusho shaqaalaha hawl-gabka ah ayaa qayb ka ah qorshaha dawladda ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda JSL

Intii socdaalkan shaqo socday ayey waftigan balaadhan kulamo la qaateen labada Wakaaladood ee kala maamula; Shaqaalaha Hawl-gabka ah ee Dawladda “Ethiopian Public Servants Social Security Agency” iyo Wakaalada Maamusha Hawl-gabka Shaqaalaha rayidka ah “Ethiopian Private Pension Agency” kuwaas oo ay mid walba uga kuur galeen; da’da hawl-gabka Shaqaalaha Ethiopia, xadiga lacageed ee Shaqaalaha looga jaro hawlgabka, odoraska sannad walba dawladdu ku darto sanduuqa hawlgabka, xadiga lacageed ee uu ka helo mushaharkiisii marka uu galo hawl-gabka, habka loo kobciyo sanduuqa halwgabka iyo hannaanka loo maareeyo bixinta hawlgabka

Booqashadan waayo-aragnimo wadaaga ah ayaa qayb ka ah socdaalo la rabo in loogu kuur galo hannaanka ay mareen dawladaha horay u tijaabiyey shaqo ka nasinta shaqaalahooda gaadha da’da hawlgabka iyo siyaasada ay ku maamulaan shaqaalaaha gaadha da’da hawlgabka iyada oo tallaabadani imanayso kadib markii lasoo gebogabeeyey Siyaasadda Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ansixinta golaha Wasiirada kadib la dhaqan-gelin doono.

Dhaqan gelinta Siyaasada Hawl-gabka ayaa Shaqaale badan oo gaadhay da’da hawl-gabka fursad u siin doonta in ay nastaan iyaga oo lagu dhaqayo siyaasad u damaanad qaadaysa xurmo iyo xoolo u gaar ah halka ay dhalinyarada-na siin doonto fursado ay ku qabtaan kaalmo shaqo oo sare isla markaana ay abuurayso fursado shaqo oo cusub.

Dhaqan gelinta Siyaasadan ayaa Somaliland u horseedi doonta in ay kamid noqoto mid kamid ah dalalka ugu horumarsan dhanka dib-u-habaynta Shaqaalaha iyo dawlad wanaaga halkaas oo siyaasadani imika marayso jidkeedii u dambeeyey.