Hay’ada Shaqaalaha Jsl Oo Maanta Tababar Usoo Xidhay 90 Haween ah oo Ku Guuleystay Tartankii Shaqo ee Dalka oo Ka Yimid Gobolada.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha Hay’ada Shaqalaha Dawlada Somaliland mudane Sharmaake Axmed Muxumed geele oo Faahfaahiyey Tababarkan Ay usoo gabogabeeyeen Hablahan ku guuleystay Tartanka Shaqo Ayaa Waxaa Ku bilaabay hadalkiisa Sidan. “Waxa maalmihii u dambeeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa ku sugnaa 90-kii hablood ee dhawaan ku guulaystay tartamadii shaqo ee dalka ka qabsoomay kuwaas oo kala yimi Goboladda dalka.

-Ujeedada kulankooda ayaa ahaa sidii loo siin lahaa tababaro isugu jira; qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata.

-Dhanka kale, intii casharadu socdeen waxa ay fursad u heleen in ay dhexdooda is bartaan sida oo kalena ay yeeshaan xidhiidho walaalnimo oo dhaw iyaga oo u ballamay kor-u-qaadida adeega shacabka ee heer gobol iyo mid qaran-ba

-Waxaa bogaadin mudan dareenka walaalnimada iyo dalnimada huwan ee guulaysteyaashii hablaha ahaa ee Gobolka Maroodi-jeex ay u soo dhaweeyeen habilhii ka kala yimi Goboladda kale ee dalka.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay si gaar ah u bogaadinayaan Dallada xidhiidhka Haweenka ee NAGAAD oo taageero iyo kalgacal u muujiyey guulaysteyaashii hablaha ahaa iyo tiro badan oo kamid ah shaqaalaha haweenka ah ee Dawladda.

Jidka loogu jiro Qaran Qalinku Qiimo Leeyahay.”

Halkan Ka Daawo Sawirada Tababarka Shaqaalahaasi Loo Qabtay.