War Deg-Dega-Ciidmada Booliska Gobolka Gabiley Oo Goordhaweyd Xidhay Saddex Wariye Oo Gacan ka Hadal Dhexmaray Shalay Askari Boolis ah.

Gabiley(GNN):-Waxaa hadda Wararku sheegayaa in ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen saddex wariye oo ka hawlgalayey gobolka gabiley oo kala ah Wariye Siciid Nuux Kibaarย  iyo Wariye Jacfar Cawil hereri & Maxamed Watiin, Oo Maalintii shalay mid kamida suxufiyiintan uu is afdhaaf iyo gacan ka hadal dhexmaray askari ka tirsan ciidanka booliska oo ilaalinayey Garoonka Mo Farah oo ay kasocotay hawlo ku saabtan tartan lagu qabanayo Somaliland oo ay ka qayb galayaan Wadamada aan la aqoonsan.

Waxaana Xadhiga wariyeyaashani ka danbeeyey kadib markii ay Saaka gudida nabad galyada gobolka gabiley soosaareen war la xidhiidha arrintaasi oo ay sheegeen in gaf iyo meel ka dhac lagula kacay askariga ilaalinayey albaabka islamarkaana laysku dayey in xoog lagu dhaafo taasina ay sababtay inuu xabad dhulka ugu dhufto mid kamida suxufiyiintan oo ay murmeen.

Si kastaba ha ahaatee xadhiga wariyeyaashan ayaa salka ku haya is maandhaaf u dhexeeya qaar kamida suxufiiyintan qaarkood maanta la xidhay iyo maamulka degmada gabiley oo soo kala dhaweystay Saxaafada gobolka, sababtayna in goobaha warwarka iyo xarumaha gobolka laga hor istaago taasi ay ka dhasheen falkan maalintii shalay ka dhacay degmada iyo kuwo kale oo ka horeeyeyba.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha.

Gabiley News Network