Deg Deg :- Xukuumada Somaliland Xabsiga Dhigrtay Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Waddani

Hargeysa (GNN):- Ciidamada amaanka Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabsiga dhigeen gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xisbiga mucaarida ah ee Waddani

Ilaa hada ciidamada Boolisku kamay hadal sababta ay u xidheen sarkaalkan ka tirsan xisbiga Waddani  balse waxa la sheegay in xadhigiisa loo malaynayo inuu daba socod maqaal uu shalay warbaahinta ku baahiyay kaas oo uu ku dhaliilayo madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi talaabadda uu bandooga ugu soo rogay gobolka sanaag.

GABILEY.NET