Bandhig heesaha ah oo lagu waday toddobaadka soo socdka inuu ka dhaco dalka Sacuudiga ayaa la baajiyay, markii ay sida goโaansatay Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah.
Goโaankii horey loogu shaaciyay dalka Sacuudiga inay gabadha bandhig ku qabanayso ayaa dad badan waxay ula muuqaatay arrin cajiib ah, waxaana dowladda Sacuudiga ay arrintaa kula kulantay dhaleeceyn badan.
Nicki Minaj , ayaa hadda si cad u sheegtay inaysan tagi doonin dalka Sacuudiga, waxaa ay goโaankeeda sabab uga dhigtay โ marna inaysan bandhig ku qaban doonin dalkaas oo ay ku tilmaamtay in lagu dhibaateeyo haweenka aanan laga rabina dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.
โInkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlkaโayay tiri Nicki Minaj.
Hayโadda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa Jimcihii toddobaadkii hore warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in aysan ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July, waxaana hayโadda ay ka codsatay fannaanada in ay diiddo lacagta dawladda oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira.
Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii Maarso, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kaddib markii ay xirtay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha.
GABILEY.NET