Mid Kamida Telefishada Laga Leeyahay Muqdisho Ee Ka Hawlgala Somaliland Oo Qayb Ka Noqday Dagaalka Siyaasadeed ee U Dhexeeya Labada Dal.

Hargeisa(GNN):-Iyadoo Maalmihii u danbeeyey ay jiraan Talaabooyin aan ka farxin Maamulka madaxweyne Farmaajo ee ka taliya villa somalia, oo ay ku Dhaqaaqeen Madaxda Jamhuuriyada somaliland oo Xidhiidho siyaasadeed oo xoog badan la sameeyey qaar kamida dalalka africa iyo beesha caalamka, ayaa waxa jira Qaar kamida Telefishada ku hadla Afka somaaliga ee laga leeyahay Somalia, oo ay si gaara u naasnuujiyaan madaxda somalia, xarumo waaweyna ay uga dhiseen gudaha muqdisho, kana hawlgala  jamhuuriyada somaliland oo barnaamijyo qayb ka ah dagaalka siyaasadeed ee ka dhexeeya somaliland iyo maamulka muqdisho kusoo qaatay qandaraas dib bulshada u xasuusinaya isir nacaybkii iyo dhibaatadii ay bulshada somaliland usoo dagaalantay.

Waxaana arrimaha layaabka leh ka mid, Ninka weyn ee wariyaha isku sheegayaa waxa uu bulshada iskagaga dhigayaa uun ka yahay barnaamijka dhex balse haddii aad daawato, muuqaalka Dadka Ka hadlaya Masayrka Qaranka Somalilandna hadalka uma ogolaanyo ee uu ku jarjarayaa halka kuwa sheegaya inay midnimada somalia taageersan yihiina uu madaxa u ruxayo.

Maxay Talaabada ay Xukuumada Somaliland Ka Qaadi doonto Telefishada kusoo qaata mashaariicda sidii bulshada somaliland loogu furilahaa tashuush iyo qaybin iyo kala qoqob.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Barnaamijkan Xalay Ka Baxay Telefishanka Universal.

https://youtu.be/DtSXk1Y4pOM