Hay’adda CPJ Oo War Kasoo Saartay Saxafiyiin Dhawaan Lagu Xidh-xidhay Somaliland.

Ururka caalamiga ah ee ilaalinta suxufiyiinta ee CPJ ayaa ka hadlay xadhig ay xukuumada somaliland kula kacday qaar ka mid ah weriyeyaasha madaxa banaan ee ka hawl gala magaalada Hargeysa.

Ururka CPJ ayaa sheegay inaan sharciga loo marin afar weriye oo xukuumada somaliland xidhay wakhti ay raadinayeen warbixino ku saabsan imtixaano ay dawladu qaadaysay.

Xadhiga afartan weriye oo ururka CPJ war ka soo saartay xadhigan weriyeyaashan waxay ku sheegtay in booliska somaliland ay xidheen afar weriye oo madax banaan kuwaas oo raadinayey warar la xidhiidha musuq maasuq, waxaana warbixinta lagu xusay in xadhiga weriyeyaashan ay u xaqiijiyeen xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland iyo ururka suxufiyiinta ee Solja.

Warka ka soo baxay hay’adda ilaalinta suxufiyiinta ee CPJ ayaa lagu sheegay in sadex ka mid ah weriyeyaashan lagu xidhay xarunta jaamacada Hargeysa iyaga oo warbixin ka duubayey arday ka cabanaysay musuq maasuq.

Sidoo kale warka ka soo baxay hay’adda CPJ ayaa lagu cadeeyey in Marwo Yaasmiin Cumar xaaji Maxamuud ay hay’adda u xaqiijisay in ciidamada booliska somaliland ay ku qasbeen weriyeyaasha ay ku xidheen jaamacada Hargeysa inay masaxaan muuqaalo ay duubeen iyada oo intaas raacisay inay siiyeen digniino la xidhiidha inaanay baahin Karin warar la xidhiidha wixii ka dhacay jaamacada Hargeysa.

Hay’adda ilaalinta suxufiyiinta ee CPJ ayaa warbixinteeda ku xustay in somaliland ay noqotay deegaan aan ku haboonayn inay ku dhex shaqeeyaan saxaafada madaxa banaani, iyada oo ay hore u dhaceen xadhig iyo caga juglayn ay xukuumadu kula kacday warbaahinta.