39 qof ee meydadkooda laga helay baabuur xamuulka waxay u dhasheen Shiinaha

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya 39 meydadka ahaa ee laga helay baabuur xamuul ah degmada Essex ee bariga Ingiriiska.

Waxaa la ogaaday in 39 qof ee meydadkooda laga helay baabuur xamuulka ah ay u dhasheen dalka Shiinaha.

Booliska waxay su’aalo weydinayaan darawalkii baabuurka kaas oo xabsiga loo taxaabay shaley markii ay booliska qabteen.

Inkasta oo ay booliska si rasmi ah u xaqiijin arrintani, baabuurka xamuulka ayaa kasoo dhaqaaqay Belgium wuxuuna ku wajahnaa dekedda bariga London.

Dhanka kale, dacwad oogaha guud ee Belgium ayaa furay baaritaanno lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay dhacdadaas.

Makala cadda xilliggii iyo goobtii meydadka lasoo saaray baabuurka.