Rwanda oo barnaamij jimicsi ah u bilowday haweenka uurka leh

Haweenkii ugu horreeyay ee ka qeyb qaatay barnaamijka jimicsiga ayaa BBC u sheegay inay ku diirsadeen isla markaasna dowladda ay dooneyso in la sii wado barnaamijkan.

In ka badan 100 haween ah oo uur leh ayaa jimicsigii ugu horreeyay ka sameeyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Dadka soo qabanqaabiyay barnaamijka ayaa uga golleh in la baddalo khufaaraadka la aaminsan yahay ee ah in haweenka uurka leh ee dalkaas aysan howl qaban karin.

Nelson Mukasa oo ah madaxa ha’yad aan dowli aheyn ayaa sheegay in dad badan oo reer Rwanda ah ay aaminsan yihiin in haweeneyda uurka leh aan loo ogoleyn inay qabato wax howl ah.

“Dadka waa inay ogaadaan in howl qabad la’aanta haweenka uurka leh ay halis caafimaad u keeneysa hooyada iyo canuga” ayuu yir Mukasa.

Markii uu jimicsiga soo gabagaboobay, Libérée Uwizeyimana oo ah haweeney leh uur 8 bilood ah ayaa BBC u sheegtay in nolosheeda aysan wax jimicsi ah sameynin iyadoo uur leh.