Arrinta Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Ka Xishoon Waayey Inanta Xubinta Komishanka Waxay Haweenka Somaliland Tusaysaa Nacayba Uu u Qabo.Ex Wasiirkii Warshadaha.

Hargeisa(GNN):- Shacayb Maxamed Muuse oo kamida siyaasiyiinta somaliland, oo xilal kala duwan oo wasiirnimo kasoo qabtay xukuumadihii madaxweyne Daahir rayaale iyo Xukuumadii Axmed Sillaanyo oo maanta Warbaahinta kula hadlay gudaha caasimada hargeisa ayaa eedo kulul u jeediyey Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaas oo uu ku eedeeyey arrimo la xidhiidha muranka xubnaha komishanka doorashooyinka somaliland oo xisbiga waddani dhawaan warqad qoraal ah oo uu soosaaray ku duray labada xubnood ee madaxweyne biixi usoo xushay inay kamid noqdaan komishanka cusub ee dhawaan la doonayo inuu qabto doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomaysa.

Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse ayaa ku tilmaamay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani inuu yahay shaqsi aaney agtiisa waxba u oolin haweenka Somaliland ee rajada ka qaba inay kamid noqdaan Maamulka iyo siyaasiyiinta dalka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Dheer Oo Maanta uu kagaga Hadlay Arrimahaasi.

 

Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network