Dawlada Ingiriisku Maxay Ka Tidhi Halista Ay Wajahayso Xoriyadii Hadalka Somaliland?

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Barwaaqo Sooranka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa warbixin ay kaga hadashay xaaladda xuquuqal iisaanka ee dalalka Dunida waxay tilmaantay in Somaliland dadka wax ka sheega dawladda ama mashaariic ay mudanayaan xabsiga iyada oo aan hab sharci ah loo raacin

“Xaaladda Somalland way dhaantaa [ta Somalia] balse wuxuu weli walaac wayn ka jiraa booliiska oo aan sharcigu qaban iyo xorriyadda hadalka oo xaddidan. Dadka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, dhalliila hay’adaha amniga ama su’aal geliya marshuuc Qaran ee Somaliland waxa ay wajihi karaan xadhig aan loo marin sharciga,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta dawladda Ingiriisku soo saartay.

Image result for muuse biixi

 

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo ay isa soo tarayaan walaaca wariyeyaasha. wariyeyaasha iyo masuuliyiintii Hargeysa ee shabakadda Hadhwanaagnews ayaa shalay ka degay magaalada Muqdisho iyaga oo ka baxsanaya xadhig xukumaddu kula kacdo.

Waxa hore u jiray dad ka cabsaday in la xidho oo ka baxay dalka iyo xarumo warbaahineed oo la xidhay waxaanay bulshada Somaliland walaac ka muujinaysa in Xamar ay u baxsadaan dad ka cabsanaya in la xidho.

Halkan Guji Oo Ka Akhriso Warbixintaasi Ka Hadlay Xuquuqda Aadanaha.

 

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network