Ex Wasiir Yuusuf Garas Oo Ka Hadlay Dhulka Qoyska Madaxweynuhu Ku Haystaan Macalin Maxamed Soomaali.

Hargeisa(GNN):-Yuusuf Cismaan Garas oo xilal ka soo qabtay xukumaddii Siilaanyo kana tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka jawaabay dhulka qoyska madaxweynuhu ku haysto Macalin Maxamed Soomaali.

Macalin Maxamed Soomaali ayaa sheegay in Yuusuf Cismaan Garas ka iibiyay dhulka uu sheegay in qoyska madaxweynuhu ku haysto.

Yuusuf Garas oo qoraal kooban soo dhigay Facebook-giisa ayaa yidhi “Dhulka uu macalin Mohamed ka hadlay waxa aan iibsaday 2008. Hooyadii waxa iga iibsatay 2013. Dhulka anigu waxa aan ka iibsaday Faarah nin la yidha oo hadeerna Hargeisa dagan.”

Masuul dawladda hoose u hadlay ayaa ku dooday in ay tahay in Macalin Maxamed Soomaali lacagtiisii u doonto ciddii ka iibisay.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network