Kulan Saacado Badan Qaatay Oo Dhexmaray Maamulka Gobolka Awdal iyo Odayaasha Suldaan Wabar+Natiijada Kasoo Baxday.

Borama(GNN):-Xarunta gobolka Awdal ayaa waxa maanta ka qabsoomay kulan aan midho dhalin oo dhex maray Masuuliyiin ka socota xukuumada iyo oday dhaqameedyada beesha Jibriil Yoonis.

Kulankan oo diirada lagu saarayay dhacdadii u dambaysay ee ay jabhada Suldaan wabar ku soo qaaday Saldhiga dhexe ee Boorama iyo xaalada amni ee degmada ayaa waxa uu ku bilaabmay qorshe aan ku talo gal ahayn oo la arkayay oday dhaqameedka beeshan oo mid mid loogu yeedhayo, si shaqsi shaqsi ah u soo galaya xafiiska gobolka Awdal oo ay ku sugnaayeen Badhasaabka Awdal, Duqa Degmada Borama, Saraakiisha Booliska ee Gobolka iyo Dagmada, Madaxda laamaha Sirdoonka ee gobolka, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo kulankan soo gaadhay waqti dambe.

Kulankan oo ay saxaafadu ka ahayd dibad joog ayaa waxa ay ilo-wareedyadu sheegayaan in dood kulul la iswaydaarsaday, dulucduna ay ahayd in oday dhaqameedka beeshan ay cadeeyaan mawqifkooda ku aadan Jabhada Suldaan Wabar iyo sidii loo wajihi lahaa mustaqbalka.

Waxa ay ahayd habeenimadii xalay markii Suldaan Wabar oo la hadlay BBC-da uu sheegay in odayaashii dhaqanka ee doortay ay ku taageersan yihiin mawqifkiisa, maamulka gobolka Awdal oo cuskanayay heshiis ay hore ugu saxeexeen odayaal dhawr iyo labaatan ah oo Jibriil Yoonis ahna uu ku hanjabay in uu xabsiga dhigi doono odayaashan hadii aanay mawqifkooda cadayn, saxaafadana aanay ka sheegin. Dhinacooda ayaa odasyaashan ay ka gows-qaniineen inay saxaafada la hadlaan tan badalkeedana ay codsadeen in ay arinta waanwaan ku dayi doonaan, maamulka gobolka Awdalna ay ka rabaan inuu ka taageero sidii jabhadan iyo hogaamiyaheedaba loo kala diri lahaa, qorshahaas oo uu maamulka gobolku ku tilmaamay mid aan cadayn.

Saxaafada ayaa lagu wargaliyay in kulankan waxa ka soo baxa ay baahin doonto, oday dhaqameedkuna ay la hadli doonaan, waxase saacado dheer ka dib saxaafada uu xafiiska gobolka Awdal ku wargaliyay in 24 saac ay qabsadeen odayaashu si ay arimaha horyaala ee Suldaanka iyo Jabhadiisa ay war uga keenaan, waqtigaas kadibna saxaafada la siin-doono war sugan oo la tabiyo.

Siday doonto ha ahaatee, xaalada Amni ee magaalada ayaa dagan, inkasta oo aanay cadayn waxa dhici doona mustaqbalka, waxana ay labada dhinacba ku dadaalayaan sidii ay xiisadan u soo afjari lahaayeen, amniga iyo adkayntiisana u garab istaagi lahaayeen.

 

Borama Somaliland
Gabiley News Network