London(GNN):-Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in xiisadda ka dhaxeysa dowladda Jabuuti ay dhaawac xooggan oo dhaqaale u gaysatay shirkadda.
Guddoomiyaha DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bangiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Doraleh oo ay shuraako ku ahaayeen.
โWaxaan sameynnaa maal-gelin balse qiimo badan ayaa nooga baxaya. Taasi waa dhaawacโ ayuu yidhi Sultan Ahmed oo ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaasi oo shirkaddiisa ay 35 milyan oo dollar ku mala-gelineyso xarun cusub oo ganacsi.
โWaxaa yaraaday bankiyadii lacagta na deemin jiray. Banki kasta oo lacag na deymin lahaa waxa uu leeyahya โka waran haddii dalka aad maal-gashanaysaan uu idinku sameeyo sida Jabuuti?โ, marka Jabuuti waddo xun ayay noo furtayโ ayuu yiri Sultan Ahmed bin Sulayem.
DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas, waxaana Maxkamadda London ee Dhex-dhexaadinta Caalamiga ah ay bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin.
Jabuuti waa ay diiday goโaanka maxkamadda.
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com