Maraykanka Oo Dawlada Somaliya Uga Digay Joojinta Wada-shaqayn La’aanta Gudiga QM.

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay dowladda Soomaaliya sii wadista wada-shaqeyn la’aanteeda ku aadan Guddiga Khubarada QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group), taasi oo ay ku qeexday arrin dhibaato leh.

Isaga oo Golaha Ammaanka uga warbixinaya xaaladda Soomaaliya, ayaa la-taliyaha siyaasadda ee howl-galka Mareykanka ee QM, Michael Barkin waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto inay Soomaaliya ku dhiiri-geliso inay guddigan la shaqeyso, islamarkaana aysan arrintan ka aamusi doonin.

“Diidmada dowladda federaalka, ee ah inay la shaqeyso Guddiga Khuburada iyo inay taageerto shaqada guddiga, waa arrin dhibaato leh” ayuu yiri Barkin.

Barkin ayaa sheegay in guddigan uu yahay araga iyo dhagaha ku sugan Soomaaliya iyo gobolka ee caalamka ula socda waxa ka dhacaya gudaha dalka.

“Iskama indha-tiri doonno, umana ogolaan doono dowladda federaalka ah dadaalka ay waddo ee ay ku curyaamineyso shaqada guddiga khuburada” ayuu yiri Barkin, oo shaaca ka qaada in arrintan ay la qabaan dalalka Britain iyo Germany.

Wakiilka dowladda Britain ee QM, Jonathan Guy Allen ayaa sidoo kale muujiyey walaac la mid ah kan Barkin, isaga oo sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda Soomaaliya ay tahay mid “aan la aqbali krin.”

Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay diiday inay guddiga la shaqeyso, ayada oo rumeysan inaysan dhex-dhexaad ahayn, hase yeeshee dalalka caalamka ayaa rumeysan in dowladda ay diidan tahay in lala xisaabtamo.

Guddiga ayaa sanadihii uu jiray soo saaray warbixinno si weyn u dhalleeceeyay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey, sida fashil amni, musuq-maasuq iyo siyaasad xumo.