Recep Tayyip Erdogan: Warqaddii Trump qashin-qubka ayaan ku daray

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadda Donald Trump “ku dhex riday qashinka”, sida BBC loo xaqiijiyay.

Warqadda la qoray 9-kii bishan October, lana diray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen Suuriya, wuxuu Trump ugu sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”.

Dad ka tirsan Madaxtooyada Turkiga waxay BBC u sheegeen in Erdogan uu warqadda “uusan aqbalin gebi ahaanteedaba”.

Maalinta warqadda la gaarsiiyay, ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

“Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda.

Trump's letter to Erdogan

“Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.”

Taas isagoo ka jawaabaya, ilo ku dhow madaxtooyada Turkiga waxay sheegeen: “Madaxweyne Erdogan waa la soo gaarsiiyay warqadda, wuu diiday waxa ku qoran oo dhan, wuxuuna ku daray qashinka”.

Presentational white space

Madaxweyne Trump wuxuu wajahayaa dhalleeceyn ballaaran oo la xiriirta in ciidanka uu kala baxay Suuriya, taas oo lagu tilmaamay mid Turkiga fursad u siisay in uu howlgal militari billaabo.

Eedeynta ugu badan waxay kaga imaaneysaa xisbigiisa Jamhuuriga xubno ka tirsan.

Kala qeybsanaan dhif ah ayaa sababtay in illaa 129 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay ku biiraan Dimuquraadiga kuwaa oo si dhab ah u diiday tallaabada Trump. Waxay go’aankooda ku muujiyeen codeyntii Arbacadii.

Qaraarka loo dhan yahay, oo sidoo kale madaxweyne Erdogan ugu baaqay in uu si degdeg ah u joojiyo howlgalka militari ee ka dhanka ah xoogagga ay hoggaaminayaan Kurdiyiinta, waxaa codkooda ku taageeray 354 mudane.

US President Donald Trump

Gudoomiyaha Aqalka Congress-ka, Nancy Pelosi, waxay kullan aan caadi ahayn lagu dhex murmay ay la yeelatay Donald Trump kaas oo ku saabsanaa xaaladdan.

Waxaa shirka gudoominayay iyada iyo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Sare ee Mareykanka, Charles Schumer, kuwaas oo qolka isaga baxay markii la isku buuqay.

Hoggaamiyayaasha Jamhuuriga waxay “hab dhaqankii” Ms Pelosi ku tilmaameen “mid aan habooneyn”, waxayna ku eedeeyeen “in ay soo duushay”.

Ms Pelosi iyo Mr Trump wuxuu sidoo kale midba midka kale ku eedeeyay “isku dhex yaac”, iyadoo markii dambe uu Trump bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka murankooda.

Presentational white space

Balse, Dimuquraadiyiinta ayaa amaanay sawirka waxayna ku tilmaameen “mid aan caadi ahayn iyo geesinimo” muujiyayna “xilligii ugu cajiibsanaa” ee Ms Pelosi.

Ms Pelosi ayaa sidoo kale sawirka ka dhigatay midkeeda ugu sareeya ee Twitter-ka.

Arbacadii la soo dhaafay, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Mareykanka uusan faragelin ku sameyneyn howlgalka militari ee Turkiga, sababtoo ah “xuduuddeena ma ahan”, ayuu yiri. wuxuuna xulafadii hore ee Mreykanke ee Kurdiyiinta uu ku tiulmaamay “in aysan malaa’ik ahayn”.

Ciidamada Turkiga iyo xulafadooda hubeysan ee Suuriya waxay qaadeen duullaan ay ku galeen Waqooyiga Suuriya, isbuucii la soo dhaafay. U jeedadoodu waxay tahay in ay dib u riixaan maleeshiyaadka Kurdida ee loo garanayo YPG.

Sidoo kale Turkiga wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay sameeyaan aag nabdoon oo la dejiyoqaxootiga Suuriya.