Sh Shariif Sh Axmed Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Eedeeyey Inuu Yahay Qayrul Masuul Ka Talaabsaday Sharciga.

Muqdisho(GNN):-Ex Shariif Sheekh Axmed  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maantana loo doortay inuu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xisbiyadii xilkaas u doortay uga mahadceliyey kalsoonida ay xilkaas ugu magacabeen.

Shiikh Shariif ayaa mahad celin kadib ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka ku jiro gaar ahaan doorashada la filayo inay dhacdo marka uu  dhamaado waqtiga Madaxweyne Farmaajo.

Sababta loo Aas’aasay Madashaan ayuu ku sheegay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo Aas Aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti Siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana qofkii doonayo in uu qabto lagu waajibiyey in uu dowladda fasax ka qaato taasina ay Dastuurka kasoo horjeedo sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu si toos ah u caddeeyey inaysan xisbiyada midoobay marnaba aqbali doonin Koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo iyagana ay camiraan sida uu hadalka u dhigay.

“Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno, dowladdu inadhaheeda ha furto, Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay, dadkii diidanaa in halkaas doorasho lagu qabtana waxaa kamid ahaa madaxweyne Farmaajo dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad kooban oo looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen Xisbiyo dhowr ah oo dalka kajira oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan Ka Daawo muuqaalka.