Muqdisho(GNN):-Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ayaa waxaa ka furmay shirka Baarlamaanada Carabta, kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya iyo wadamada Carbeed qaarkood.
Shirka Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin 22-ka dowladood ee Carabta ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubno ka socda baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo Baarlamaanka Carbeed hor-dhigay xaaladaha ka aloosan dalka Soomaaliya.
Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, faragelinta ay dowladaha Shisheeye ku haayaan iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadka 2021.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka Carbeed ay amaaneyn dadaalka ay dowladda ugu jirto la-dagaalanka Al-Shabaab,guulaha ay kasoo hoysay arrimaha dhaqaalaha, la-dagaalanka musuq maasuqa iyo sare u qaaadida mashaariicda lagu hormarinayo Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Ugu dambeynw axaa uu sheegay in Baarlamaanka Carbeed uu ugu baaqay Madaxda Dowladda federaalka iyo xoogaga siyaasada in doorashada xiligii loogu talo galay ay ku dhacdo, iyada oo la ilaalinayo Cadaaladda.
Ugu dambeyn Kulanka ay yeesheen Baarlamaanka Carabta ayaa waxa ay uga hadleen xiisada ka dhex-aloosan qaar kamid ah dalalka Carbeed,sida Suuriya iyo Ciraaq taas oo siweyn ay ugu kala qeyb-sameen Baarlamaanka Carbeed.
Gabiley News Network
Muqdisho Somalia Ofice.