Al-Shabaab Oo Olole Cusub kaga Dhawaaqday Degaano ka Tirsan Jubooyinka.

Al-shabaab ayaa shaacisay inay degaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ka bilaabeen olole lagu Carabiyeynayo bulshada halkaasi ku dhaqan.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa ku amray dhammaan shacabka ku nool degaannadaasi, inay bartaan luuqadda Carabiga iyo inay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga.

Sheekh Max’ed Abuu Cabdalla oo ah Madaxa Al-shabaab u qaabilsan Jubbooyinka oo ka qeyb gelayay munaasabad lagu furiyay mashruuca dadka luqadda carabiga lagu barayo ayaa bogaadiyay tallaabadan.

Sidoo kale, maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ayaa lagu amray inay manhajka Waxbarashada ku saleeyaan luuqadda Carabiga oo keliya, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fulin wayda amarkaasi.

Al-shabaab ayaa sidoo kale bulshada halkaasi deggan ku amray, inay goobaha ganacsiga iyo boorarka ogaysiisyada ku qoraan luuqadda Carabiga, halkii lagu qori lahaa Af-Soomaali, si loo dhiirri-geliyo barashada Carabiga.

Illaa hadda lama oga sababtay keentay arrintan iyo waxa Al-Shabaab ku qasbay iney dadka ku amraan luuqada carabiga.