Madaxweynaha Suuriya Oo Shaki Geliyay Dilkii Al Baqdaadi

Madaxweyanaha Suuriya Bashaar Al Asad ayaa shaki geliyay qaabkii loo dilay hogaamiyihii ururka la magac baxay Dowladda Islaamka, Abuubakar Al Baqdaadi.

Bashar Al Asad oo wareysi siinayay telefishinka Akhbar As-Suuriyah ayaa sheegay in dilkiisa aanan la rumeysan karin tan iyo inta laga helayo caddeyn ku aadan qaabkii loo dilay.

“Dhagarta Mareykanka lama rumeysan karo tan iyo inta uu kala imaanayo caddeyn ku aadan dilka Al Baqdaadi” ayuu yidhi madaxweyne Asad.

Madaxweynaha Suuriya waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in ciidammadiisa ay dib u qabsan doonaan deegaanada xuduudka oo ay horey ula wareegtay xukuumadda Ankara kaddib duullaankii ay ku qaaday waqooyiga Suuriya.

Waxaa uu ku eedeeyay Turkiga inuu doonayo inuu khasaare ka geysto halkaas isla markaasna uu damaciisu yahay inuu qabsado dhul badan oo ka tirsan Suuriya.