WARARKA




Burcad dooneysay inay dhacdo bangi oo laga hortagay

Kooxo burcad ah oo kasoo kala jeedo saddex dal oo ka tirsan Bariga Afrika ayaa lagu xiray dalka Rwanda xilli ay isku dayayeen inay dhacaan nidaamka uu ku shaqeeyo bangi.

Laanta dambi baarista ee Rwanda ayaa sheegtay in burcadda Internetka ay qorsheynayeen inay lacago ka dhacaan akoonada macaamisha bangiga Equity balse ma aysan sheegin xilligga ay sameeyeen isku daygaas.

Laanta dambi baarista waxay sidoo kale sheegtay in 8 kamid ah burcadda ay kasoo jeedaan Kenya, saddex kasoo jeeddo Rwanda iyo mid u dhashay Uganda.

Bangiga Equity ayaa laamo kala duwan ku leh dalalka kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Laanta dambi baarista ee Rwanda waxay sheegtay in kooxdan burcadda ah ay hadda ka hor dhaceen nidaamka bangiyo ku yaal Kenya iyo Uganda.